1. Tallaallada noocee ah ayaa rukhsad u haysta oo loo heli karaa tallaal?
Tallaallada kaa hortagga ah COVID-19 ee ay shatiyada ka heleen Daawooyinka Yurub
Wakaaladda (EMA) waa: Pfizer / BioNTech, AstraZeneca, Moderna iyo Johnson & Johnson.
2. Waa maxay mudada u dhexeysa qiyaasta 1aad iyo 2aad ee tallaal kasta?
• Pfizer / BioNTech: Tallaalka Pfizer / BioNTech waxaa lagu qaataa laba qiyaas, oo leh muddo u dhexeysa 3 toddobaad inta u dhexeysa labada qiyaasood.
• AstraZeneca: Tallaalka AstraZeneca waxaa lagu qaataa laba qiyaasood, oo leh muddada u dhexeysa 8 toddobaad inta u dhexeysa labada qiyaasood.
• Moderna: Tallaalka Moderna waxaa lagu qataa laba qiyaasood, oo leh Muddada udhexeyso ah 28 maalmood inta u dhexeyso labada qiyaasood.
• Johnson & Johnson: Tallaalka Johnson & Johnson waxaa lagu qaataa hal qaadasho iyo qofkasta oo qaata ayaa dhameystiraya talaalkiisa.
3. Sideen ku xaqiijin karaa ballantayda haddii aanan helin fariin qoraal ah ama shahaadada ku habboon lama ii soo dirin?
Xaaladdan oo kale, muwaadiniintu waxay la xiriiri karaan xarunta wicitaanka ee 1474.
4. Sidee kale ayaan u qabanqaabin karaa ballan aan ka ahayn nidaamka la qabtay iyada oo loo marayo Bogga Tallaalka?
Marka lagu daro qabanqaabada ballamaha ee loo maro Bogga Tallaalka, muwaadiniinta la xiriiri karaan Dhakhtarkooda Shakhsi ahaaneed, haddii dhakhtarku muujiyo xiisaha uu qabo talaalida isaga/iyada ka-faa’iideystayaasha da,doodu tahay 30 jir iyo wixii ka weyn rugtiisa / isaga/ iyada Tallaalka AstraZeneca. Xaaladdan oo kale, muwaadiniintu waxay awoodi donan in lagu diyaariyo balan tallaalka iyada oo loo marayo Dhakhtarkooda Shakhsi ahaaneed, maalin iyo waqti uu dhakhtarku u dejiyey.
5. Haddii aanan ka diiwaangashanayn ama ka-faa’iideyste GHS, sidee baan u abaabuli karaa ballan?
Muwaadiniinta aan ka diiwaangashanayn barnaamijka GHS ama aan ahayn ka-faa’iideysteyaasha GHS oo rabi lahaa in lagu tallaalo iyada oo la raacayo qorshaha Qaranka ee Talaalka ka dhanka ah COVID-19, waa inuu soo buuxiyo oo u soo gudbiyaa Wasaaradda Caafimaadka Dukumoontiga Diiwaangelinta Muwaadiniinta aan ahayn ka-faa’iideystayaasha GHS ee cyprus Xariirka loogu talagalay Talaalka Covid-19. Dukumeentiga waa in lagu soo gudbiyaa copy ka mid ah kaarka Aqoonsiga ee daneynayaha, Kaarka Diiwangelinta Alienka ama dokumenti aqoonsi kale , iyo sidoo kale copyga kaarka caafimaadka qofkaas, haddii ay khuseyso. Dhammaan dukumintiyada waxaa loo diri karaa Wasaaradda Caafimaadka, emayl ahaan covidvac@moh.gov.cy, ama boosto loogu diro cinwaanka soo socda: 1 Prodromou iyo 17 Chilonos, 1449 Lefkosia, ama la keenay gacanta Waaxda Kaararka Caafimaadka, Wasaaradda Caafimaadka, 1 Prodromou iyo 17 Chilonos, Lefkosia.
6. Ma tahay in tallaalkayga dib loo dhigo haddii aan ahay kiis coronavirus ama Xiriir dhaw kiis positive ?
Haa, labada xaaladoodba tallaalka waa in dib loo dhigaa. Muwaadiniinta heysta qaban qabada balan ah laakiin inta ka horeysa ogaadeen sida kiisaska positive ee coronavirus ama loo soo gudbiyey inay yihiin xiriiro dhow kiis postive ah codsankartaa dib u dhigista ballanta, sida ku xusan nidaamka lagu sharaxay su’aasha 5.
7. Miyaan u baahanahay inaan jadwal sameeyo ballantayda marka Ballanta Talaalka la furo, xitaa haddii aan ahay kiis posative oo coronavirus ah ama xiriir dhow?
Haa, iyada oo aan loo eegin haddii muwaadinku uu positive fayraska ama xiriir dhow, isaga / iyada waa inuu diyaarsado ballanta asaga / ayada marka Xariirka Talaalka loo heli karo asaga / ayada da ‘kooxeed
8. Kadib, sideen dib ugu dhigi karaa ballanta haddii aan ahay kiis ‘coronavirus positive’ ama xiriir dhow oo kiis postive ah?
Markii hore, waxaa la cadeeyay haddii ay dhacdo in jadwal kale la sameeyo, muwaadinku waxaa la siiyaa balan cusub isla Xarunta Tallaalka iyo isla nooca tallaalka ee isaga/ iyada ballanta hore, sida ugu dhaqsaha badan. Si ballanta dib logu dhigo waxaa lagama maarmaan ah in la wargeliyo Wasaaradda Caafimaadka isla markiiba. Muwaadinku ama wuxuu- la xiriiri karaa Xarunta Wicitaanka 1474, halka uu isagu / iyadu waxaa la waydiin doonaa inaad bixiso faahfaahinta ballanta iyo sababta aad u codsatay baajinta, iyo sidoo kale taariikhda jadwalka dib u dhigista, ama emayl ugu dir director@mphs.moh.gov.cy oo sheegaya macluumaadka soo socda:
• Magaca iyo Magaca qoyska
• numberka Kaarka Aqoonsiga
• Taariikhda Dhalashada
• Taariikhda iyo waqtiga ballanta
• Hadday dib u dhigistu khusayso qiyaasta 1aad ama 2aad
• Xarunta Talaalka
• Nooca tallaalka
• Lambarka taleefanka lagala xiriirayo
• Sababta codsiga dib-u-jadwalka (tusaale, kiis positive oo coronavirus ah, xiriirka dhaw kiis positive , iwm)
• Taariikhda loo doorbiday ballanta cusub.
Ka dib marka macluumaadka kor ku xusan la helo oo ay hubiso Wasaaradda Caafimaadka, ballanta ayaa dib loo dhigaa oo muwaadinku waa in lagu wargaliyaa si waafaqsan. muwaadinku uma baahna inuu qaado talaabo kale oo dheeraad ah isagoo u maraya Bogga Talaalka.
9. Suurtagal ma tahay muwaadinku inuu codsado ballan cusub nooc kale oo talaal ah , haddii isagu / iyadu aysan rabin in ballanta isaga / iyada dib loo dhigo?
Haa, tan waa la samayn karaa ka dib markaad kansasho ballanta jirta adigoo wacaya 1474 Xarunta Wicitaanka. Markaa, muwaadinku wuxuu awoodi doonaa inuu codsado ballan cusub iyada oo lomarayo Xariirka Talaalka markii loo heli karo isaga/ iyada da, kooxeed. Xariirka Talaalka waxaa loo heli karaa maalin kasta kooxaha da ‘kala duwan, iyo muwaadiniinta xiisaynaya talaalka waa inay jadwalaan ballantooda sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, sidaas in si dhakhso leh loo tallaali karo, sidaasna lagu ilaalinayo caafimaadkooda.
10. Goorma ayaa tallaalka la qaadaa xanuun kadib COVID-19?
Tallaalka waxaa lagu fuliyaa saddex (3) bilood gudahood ka soo kabashada, iyo ugu yaraan 42 kadib maalmood ayaa ka soo wareegtay ka dib soo kabashada ama baaritaanka ogaanshaha qalalan
11. Goorma ayaa tallaalka loo qaadaa dadka xiriirka dhaw la leh kiisaska positive?
Xaladaha xiriirada dhow, tallaalka waa la sameyn karaa ka dib dhammaadka muddada karantiil shaqsi ahaned. Haddii xiriir dhow uu noqdo kiis postive, tallaalka waxaa lagu sameeyo saddex (3) bilood gudahood ka soo kabashada ka dib, iyo ugu yaraan 42 maalmood ka dib dhaafey kadib baaritaanka cilad-kabashada / seronegative.
12. Waa maxay boqolleyda difaaca ka dib qaadasho kasta oo tallaal kasta ah?
• Pfizer / BioNTech: waxay bixisaa 52% difaac ah toddobo maalmood kadib qiyaasta 1aad, iyadoo boqolkiiba kor u kacaya 89% usbuuc kale kadib. Sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay laga bilaabo Pfizer, toddobo maalmood kadib qiyaasta 2aad, waxtarku wuxuu gaarayaa 91.3% ka hortagga jirro fudud oo ka timaadda COVID-19 iyo 95.3% ka hortagga jirro daran.
• AstraZeneca: waxay hubisaa 70% difaac saddex toddobaad kadib qaadashada 1aad, halka 15 maalmood kadib qiyaasta 2aad ee difaaca 76% ilaa 94% ee ka hortagga COVID-19 waa gaadhay. 100% waxay waxtar u leedahay kahortaga cudurada halista ah iyo isbitaal dhigid.
• Moderna: waxtarkoodu wuxuu gaaraa 92% 14 maalmood kadib qiyaasta 1aad, halka 14 maalmood kadib qiyaasta 2aad, waxtarku wuxuu gaarayaa 94.1%, halka lix (6) bilo kadib qiyaasta 2aad, kahortaga wuxuu u dhigmaa 90% jirrada Fudud ka timaadda COVID-19 iyo boqolkiiba 95% ka hortagga jirro daran.
• Johnson & Johnson: ilaalinta waxay bilaabmaysaa 14 maalmood kadib, halka 28 maalmood kadib, ta waxtarka u leh waxyeelada daran ee fayraska COVID-19 gaaro 85%. 49 maalmood kadib, tallaalka waxaa loo caddeeyey inuu gebi ahaanba yahay Ka hortag isbitaal dhigista iyo halista dhimashada.